Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale
Milatariga Myanmar ayaa xukunka dalkaasi la wareegay Isniintii afgambi ka dhan ah dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Aung San Suu Kyi oo ah haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta Nobel, oo lala xiray hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xisbigeeda National League for Democracy (NLD) subaxnimadii hore ee saakay.
Ciidanka ayaa sheegay in ay sameeyeen qabqabashada iyagoo ka jawaabaya “musuqmaasuq doorashada”, iyagoo xukunka ku wareejiyay taliyaha milatariga Min Aung Hlaing isla markaana ku soo rogay xaalad deg deg ah hal sano, sida lagu sheegay bayaan lagu faafiyay telefishin ay leeyihiin militariga.
![Myanmar state TV said on Monday that the military was taking control of the country for one year, while reports said many of the country’s senior politicians including Suu Kyi had been detained [File: Aung Shine Oo/AP]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2021/02/AP_21032176884389.jpg?resize=770%2C513)
Inqilaabku wuxuu meesha ka saarayaa dadaaladii sanadihii la soo dhaafay ay wadeen reer galbeedka ee lagu doonayay in dimuqraadiyad looga hirgaliyo Myanmar, oo horay loo oran jiray Burma, halkaas oo Shiinaha deriska la ah oo ay sidoo kale saameyn weyn ku leedahay.
Jeneraalada ayaa bilaabay in ay talada wadanka la wareegaan saacado ka hor iyada oo Baarlamaanku uu yeella lahaa fadhigiisii ugu horeeyay tan iyo markii NLD uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii 8-dii Nofeembar 2020 oo loo arkaayay afti loo qaadayo xukunka dimoqoraadiyada curdinka ah ee Aung San Suu Kyi.
![Aung San Suu Ky, the country's state counsellor, President Win Myint, and other senior members of the NLD party have been detained [File: Bria Webb/Reuters]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2021/02/2021-02-01T053753Z_2018008255_RC2HJL9ELW7I_RTRMADP_3_MYANMAR-POLITICS-1.jpg?resize=770%2C513)
Xiriirkii taleefanka iyo internetka ee caasimada Naypyidaw iyo xarunta ganacsiga weyn ee Yangon ayaa hakad galay iyada oo TV-ga dowlada hawada ka baxay kadib markii hogaamiyaasha NLD la xiray.
Qaar ka mid ah taageerayaasha militariga taageersan ayaa u dabaaldegay afgembiga, iyaga oo ku dhex maraya Yangon gawaarida xamuulka qaada sidoo kale ruxaya calanka waddanka.
![People cross a road near Sule Pagoda on Monday in Yangon, Myanmar, after a coup was launched. [Thein Zaw/AP Photo]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2021/02/AP_21032038245750.jpg?fit=1170%2C780)
![Soldiers deployed on a road in the capital Naypyidaw. The army said senior members of the NLD, including leader Aung San Suu Kyi, were detained over a dispute arising from elections held in November 2020. [Maung Lonlan/EPA]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2021/02/h_56662993.jpg?fit=1170%2C770)
![Buddhist and military flags are waved by army supporters, including Buddhist monks, in a vehicle in Yangon. [Thein Zaw/AP Photo]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2021/02/AP_21032259022685.jpg?fit=1170%2C780)

Dad ayaa saf saf ugu jira bannaanka hore ee laanta bangiga ee Yangon Isniintii kadib markii lagu dhawaaqay inqilaabka.
Askartu waxa ay xireen wadada aada dhanka Baarlamanka ee caasimada Naypyidaw.
![A soldier stands guard on a blockaded road to Parliament in Naypyidaw after the military detained the country's de facto leader Aung San Suu Kyi and its president in a coup. [AFP]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2021/02/000_8ZY3EB.jpg?fit=1170%2C780)
Askari ayaa waardiye ka ah waddo xiran oo loo maro baarlamanka magaalada Naypyidaw kadib markii militariga ay ku xireen hogaamiyaha dhabta ah ee wadanka Aung San Suu Kyi iyo madaxweynaheeda inqilaab.
Taageerayaasha militariga Myanmar ayaa isugu soo ururay agagaaraha gawaarida waaweyn ee lagu qurxiyo calanka militariga, calanka diinta ee Buddhist, iyo calanka qaranka ee Yangon .
Dhaqdhaqaaqayaashu waxay hayaan sawirka Aung San Suu Kyi intii lagu jiray mudaharaad ka dhacay banaanka dhismaha Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Tokyo kadib markii militariga Myanmar ay xukunka kula wareegeen afgembi aan dhiig ku daadan.
Dibadbaxayaasha reer Myanmar ee degan Japan ayaa isu soo bax ka dhan ah militariga Myanmar.
