Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii Al Shabaab galabnimadii Axada ku qaadeen hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho
Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, AUN, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna sheegay in uu doorkii wanaagsanaa ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.”
Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho.
“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Waxaan eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay.Shacabka Soomaaliyeed waxa ay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD. Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo.Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynaya haldoorka ee noo diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarka oo saacado badan waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 ruux sida afhayeenka Booliska Soomaaliya u sheegay warbaahinta.
