Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal
Hotel Afrik oo u dhaxeeya Isgoyska KM4 & barta laga hubiyo Gawaarida aadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho waxaa casirliiqii shalay lagu qaaday weerar ku bilawday Gaari walxaha qarxa lagu soo raray.
Qaraxa kadib waxaa gudaha u galay rag hubeysan oo dagaal ka dhex bilaabay, waxaana iska caabbin ay kala kulmeen ilaalada Hoteelka & askar ilaalo u ah mas’uuliyiin ku sugneed dhismaha Hoteelka oo dano kala duwan halkaaas u joogtay.
Soo afjaridda Dagaalka ayaa qaadatay saacado badan, laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo saq dhexe waxa ay ku howlayaan soo gaba-gabeynta dagaalka ka dhex socday Hoteelka, mararka qaar waxaa la maqlayay qaraxyo.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen 9-ruux oo kala ah AUN Gen. Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Nuure Siyaad & Dad kale oo Shacab.
Sadiiq ayaa sheegay in 4-kamid ah kooxda gudaha u gashay Hoteelka in la toogtay saacado kadib markii ciidamada ammaanka ay gudaha galeen dhismaha si gaar ah meelaha ay ka joogeen oo ay ka dagaalamayeen.
Dhaawaca waa toboneeyo, waxaana lagu qaaday Gaadiidka Gurmadka Degdeg ah oo lagu geeyay goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada kala duwan ee kasoo gaartay qaraxa & iska hor imaadka.
Mustaqbal.
