Maxaan ka ognahay shaqsiyaadka caanka ahaa ee ku dhintay weerarkii Hotel Afrik ?.

Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa Axada maanta ah weerartay huteel Afrik oo ku yaala wadada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kuna dhow isgoyska KM4 ee Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil uu ku jiro Generaal Maxamed Nuur Galaal.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 15 ruux oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, shacab iyo shaqaale ka tirsan hotelka la weeraray.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Allah u naxariisto Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee Milatariga Soomaaliya kuwoodii ugu caansanaa waxaana laga xusuustaa hoggaamintiisii ciidankii dagaalka la galay Itoobiya sanadkii 1977-dii.

May be an image of 1 person and text

Sidoo kale waxaa weerarka ku dhintay Gaanshaanle Cali dhuux Maxamed Bare oo ka mid ahaa Saraakiisha Booliska Soomaaliya, waxa uuna horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlusunna Waljamaaca ee ku biiray ciidanka Dowladda Soomaaliya bartamihii sanadkii 2019.

May be an image of 1 person and standing

Dadka ilaa iyo hada ay Mustaqbal xaqiijisay geeridooda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Cabdullaahi Nuurre Siyaad oo la dhashay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” iyo Biriye Xaashi oo ahaa madaxii Amniga Afrik Hotel.

Image may contain: 1 person

Magacyadda shaqsiyaadka caanka ah ee laga soo badbaadiyey huteelka ayaa kala ah; Yuusuf Maxamed Indha-cade, Generaal Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo Xuseen Goley oo ah mulkiilaha huteelka la weeraray.

MM Staff

Read Previous

Maxaa ka soo kordhay weerarkii Al Shabaab ku qaaday hotelka Afrik ee Muqdisho?

Read Next

Maxaan ka naqaanaa taariikhdii AUN G. Galaal oo ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Afrik?