Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal
Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya lagu dilay weerar ay Al Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho kaaso ay oo xilli dambe oo ah hebeenimadii Axada ay soo afjareen ciidanka amaanka Soomaaliya.
AUN Jeneraal Galaal ayaa waxa uu ku dhintay hoygii uu ka daganaa Hotelka Afrik isaga oo halkaasi kula dagaalamay dablayda weerarka ku qaaday hotelka Afrik, sida ay xaqiijinayaan illo xog ogaal ah oo la hadlay Mustaqbal Media.
Rag hubeysan ayaa gudaha galay kadib markii qarax ay kusoo furteen albaabka hotel-ka abaare 11 saac galabnimadii Axadii, iyadoo xiligaas gudaha ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin dowladeed, taliyeyaal Ciidan iyo Xildhibaanno.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Afrika hotel, oo dhacay xili mid kamid ah Safaarada Ingiriiska ay bixixay digniin la xiriirta in 72 gudahooda Al-Shabaab qarax uga fulinayso Muqdisho.
Hadaba maxaan ka naqaanaa Generaal Galal?
Janaraal Galaal oo ahaa Taliyihii Dajiyay, hoggaaminayayna Dagaal ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada galeen taariikhdu markay ahayd 1964-kii, sidoo kalena ka qayb-galay dagaalkii Kululaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii.
Generaal Galal ayaa ahaa Taliyihii hoggaaminayey Ciidammadii Soomaaliya ee la wareegay ama qabsaday magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya iyo meelo kale oo Itoobiya ah.
Jeneraal Galaal ayaa noqday dowladdii Cali Mahdi 1991 Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo taliyaha Ciidanka kanoqday dowladdii KMG ee C/qaasim Salaad Xasan, ee lagu soo dhisay Carta 2000.
Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu caansanaa uguna qibrada badnaa ee Soo mara ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
