Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyb ka geysatay Gobolka Jubada hoose halkaas oo ay sheegtay in ay ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom,ayey ku sheegeen in ay weerarkaas ku dileen 2 ka mid ah Al-shabaab.
Qoraalkooda,waxaa ay ku sheegeen in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Soomaaliya ay weerarkaas geysteen.
Weerarkan ayey ku sheegeen in shalay ay ka fuliyeen Waqooyiga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.
Waxaa kale oo ay intaas raaciyeen in ay sii wadi doonaan weerarrada ay fasaxa iyo wada shaqeynta uga heystaan Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab.
