Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ay halkaas isku rasaaseeyeen Ciidamo ka wadatirsan Nabad Sugidda.
Israsaaseyn oo aan la sheegin khasaare ay geysatay ayaa u dhaxeysay Ciidamada dhexdooda iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in ay salka ku heyso xilka qaadis iyo magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in madaxda ugu sarreysay Nabad Sugidda Soomaaliya ay amar ku siiyeen qeyb ka mid ah Nabad Sugidda Hirshabeelle in aysan la shaqeyn madaxda Nabad Sugidda ee Maamulkaas,haddii kale ay mushaarkooda weyn doonaan.
Arrintaas waxaa ay la xiriirtaa xilal isku dhex wareersan oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle,waxaana ka mid ah in uu xilka ka qaaday Taliyihii Nabada Sugidda ee Hirshabeelle oo lagu magacaabo Waweyne,una magacaabay hoggaanka Nabad Sugidda ee Saadka,iyada oo xilka laga qaaday waweyne iyo kan loo magacaabay aysan waxba ku kala duwayn.
Saraakiil ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in arrinta ay salka ku heyso awood qeybsiga beelaha iyada oo laga baqayo in ay horseeddo khilaaf hor leh oo u dhaxeeya beelaha Gobolka Hiiraan wada dega.
