Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Xiriirka kubada cagta Yurub ayaa soo saaray Liiska xiddigaha u tartami doona xiddigii ugu fiicnaa yurub ee xilli ciyaareedkii 2017/2018 iyada oo ay abaalmarinta ku tartami doonaan 3 xiddig.
Xiddigaha Cristiano Ronaldo,Luka Modric iyo Mohamed salah ayaa ah 3 xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican yurub xilli ciyaareedkii 2017/2018.
Cristaino Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay tartanka champions League markii 3-aad oo xiriir ah isaga oo sidoo kale noqday gool dhaliyaha tartanka.
Xiddiga Luka Modric ayaa dhankiisa kooxda Los Blancos kula guulaystay champions League sidoo kale xulka qarankiisa Croatia ka caawiyay in ay gaadhaan filankii koobkii adduunka Russia 2018.
Dhanka Mohamed salah ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan Premier League isaga oo sidoo kale kooxda Liverpool geeyay finalka champions League.
Xiddigaha kale ee dhibcaha ugu badan helay laakiin aan ku soo bixin 3-da xiddig ee u tartami doona iyo waliba dhibcaha ay heleen waxaa ka mid ah.
4 Antoine Griezmann (Atlético & France) – 72 points
5 Lionel Messi (Barcelona & Argentina) – 55 points
6 Kylian Mbappé (Paris & France) – 43 points
7 Kevin De Bruyne (Manchester City & Belgium) – 28 points
8 Raphaël Varane (Real Madrid & France) – 23 points
9 Eden Hazard (Chelsea & Belgium) – 15 points
10 Sergio Ramos (Real Madrid & Spain) – 12 points
