Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Galmudug oo maanta billaabatay
Man United ayaa u martineysa kooxda Brighton oo ay wada ciyaarayaan kullan ka tirsan wareegga labaad ee horyaalka Ingiriiska.
Lukaku ayaa la filayaa in uu kooxda ku soo laabto ka dib markii kulankii furitaanka uu ku soo biloowday kursiga keydka.
Jesse Lingard, Nemanja Matic iyo Antonio Valencia ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda balse lama hubo in shaxda kooxda lagu soo darayo , waxaana la filaya in Pogba sii ahaado kabtanka kooxda haddii Valencia safan kulankaan
Brighton waa ay badiyeen labadii kullan ee ugu dambeeuyay horyaalka ee ay Man United marti giliyeen waxa ayna kala ahaayeen sanadihii 1982-dii 2018-dii , ugu yaraan waa 36 sano
Guushii ugu dambeeysay United ee ay ka soo gaaraan garoonka Brighton waxa ay aheyd April 1982-dii waxaana dhamaadkii ciyaarta goolkaas saxiixay Ray Wilkins
Xaqiiqooyinka kulanka.
kaliya hal kullan ayay badiyeen oo qeyb ka ah 10-koodii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka waxa ayna bishii May ka badiyeen kooxda Man United
Manchester United wax gool ah ma dhallin labadoodii kullan ee ugu dambeeyay ee banaanka garoonkooda ee horyaalka ee xilli ciyaareedkii 2017/2018-ka waxaana ku jira guul daraddii Brighton ee halka gool aheyd , 13 sano sano ayaan haatan laga joogaa markii ay ku fashileen in sedex kullan isku xiga ay goool dhalin waayaan iyaga oo jooga banaanka Old Trafford
Alexis Sanchez weli ma dhallin gool horyaalka ah oo banaanka garoonkooda ah tan iyo 28-kii December ee sanadkii 2017-ka xilligaas oo uu laba gool u dhaliyay Arsenal oo 3/2 uga badisay kooxda Crystal Palace.
