Guddiga doorashada oo shaaciyay in la buuxinayo saddexda kursi ee ka dhiman Golaha shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga  Madaxbanaan ee doorashooyink Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in dhawaan la dhameystirayo kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Xaliimo waxaa ay sheegtay in doorashada saddexda Kursi ay ka kala dhacayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhaba.

Labo ka mid ah doorashada Xildhibaannada Buuxinaya waxaa ay ka dhaceysaa Baydhaba waana kuraasta ay banneeyeen Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Kursiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Cabbdullahi.

Doorashada kursiga kale ee Dhuusamareeb waxaa iska casilay Xildhibaan C/Qaadir Gaafow,waxaana dadka  kursigaas u tartamaya ka mid ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Cabdullahi Gaafow Maxamuud.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiir Goodax oo soo saaray Nidaamka Hirgelinta waxbarashada Dalka

Read Next

Somalia’s NIEC to fulfill remaining MPs at Lower house of people