Faah-faahin:- Qarax Goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo goordhaw laga maqlay Jugtiisa Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Degmada Hodan Gaar ahaan Dalcadda Taleex.

Goob joogayaal ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in ay ku dhaawacmeen Labo qof oo shacab ahaa, Qaraxana uu ahaa Mid dhulka ka kacay sida ay hadalka udhigeen.

Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara, waxaa goobta gaaray Gawaarida Gurmadka Deg dega si ay u qaadaan dadka dhaawacmay.

Qaraxa halka uu ka dhacay ah Jid Cadde Laamiga Taleex uga leexda Madaxtooyadii Madaxweynihii Dowladii KMG aheyd ee Jabuuti lagu soo dhisay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa goobta gaaray si ay u baaraan Qaraxaan oo ay Dadka Goob joogayaasha ah ku sheegeen in uu ahaa Miino Dhulka la geliyay.

La soco Faah-faafinta.

Mustaqbal media

Read Previous

Gen. Caanood ka hadlay iska hor imaad dhexmaray Ciidamo uu watay iyo Al-Shabaab.

Read Next

Nin Somali ah oo Dhaqtar ku dilay Germany