Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Kooxda Milan ayaa ugu soo bandhigtay saxaafada xarunta kooxda halyaygeeda Paolo Maldini, si ay u shaaciso inuu yahay Agaasimaha Horumarinta ee Istaraatiijiyada kooxda.
AC Milan ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo ceshatay markale halyeeygii hore ee Paolo Maldini si uu qeyb kaga noqdo maamulka sare ee Rossoneri.
Paolo Maldini ayaa kadib dib ugu soo laabashadiis kooxda AC Milan kala hadlay saxaafad sida uu yahay dareenkiisa.
“Waan ogahay in joogitaanka Milan ay tahay mid caadi ah, laakiin waxaan horey u diiday inaan dib ugu laabto sannad iyo bar ka hor”.
“Laakiin dhab ahaantii ma jirin mashruuc cad ee muuqda, sidaas darteed waan diiday, laakiin marka uu ila soo xiriiray Leonardo, wuxuu igu dhiiri-galiyay inaan markale dib u soo laabto”.
“Waxaan ahay shaqsi aad ugu nugul shaqadiisa, haa, waxaan ku laabtay gurigeyga, laakiin markan waxaan u joogaa mashruuc kale ee dhab ah, kooxda waxay haatan ku socotaa wadada saxda ah”.
“Waxaa muhiim ah in Milan ay dib ugu soo laabato wadada guusha, waxaan la sheekeestay Gennaro Gattuso, waxaan ka wada shaqeyn doonaa, sida aan Milan dib ugu soo celin lahay sida ay ahaan jirtay waagii hore ayuu hadalkiisa kuso xiray Maldiini”.
