Siduu noqon doontaa Shaxda AC Milan Xilli Ciyaareedka Cusub 2018-2019.

Kooxda AC Milan oo dhawaan laso waregtay  xiddigaha Gonzalo Higuain & Mattia Caldar ayaa waxaa lasoo saaray sida ay noqon karto shaxda kooxda Sanadka Cusub.

Weeraryahanka reer Argentine ayaa kooxda ugu soo biiray heshiis amaah ah kadib markii ay Juventus la soo saxiixatay xiddiga Cristiano Ronaldo.

Daafaca dhexe ee Caldara ayaa dhankiisa ugu soo biiray Milan heshiis isku badalasho ah oo uu Daafaca Leonardo Bonnuci ugu laabtay kooxda Juventus.

Labada xiddig ayaa la filayaa in ay si toos ah ugu soo baxaan shaxda tababare Gennaro Gattuso, daafaca reer Croatia ee Ivan Striniciyo xiddiga Andrea Conti ayaa  si xor ah ugu soo biireen heshiisyada xorta ah.

Kooxda Ac Milan oo heshay maamul cusub ayaa si weyn isugu diyaarinaysa xilli ciyaareedka cusub iyada oo ku rajo weyn in ay xilli ciyaareedkan ku tartanto koobab una soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba wargayska Daily Express ayaa shaaciyay shaxda laga yaabo in ay kooxda Ac Milan ku soo gasho xilli ciyaareedka cusub waana tan shaxda cusub.

 

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Guddoomiyaha Baarlamaanka DDSI oo sheegay in aysan ka warheyn xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar

Read Next

Dhammaan kulamada xiisaha badan ee cwa laga ciyaari doono koobka I CC Cup.