Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
kooxda Chelsea ayaa hishiis waqti dheer ah kasaxiixatay xidigeeda reer Spain ee Pedro.
31 jirkan oo Stamford Bridge ku soo biiray xagaagii 2015 kanagana soo biiray kooxda Man United ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo hal sano ah oo kooxda ku sii hayn doona ilaa 2020.
Xiddigan ayaa website-ka kooxda u sheegay” aad ayay iigu fiicantahay aniga, anigu halkan ayaan run ahaantii ku faraxsanahay, waxana aan ka helay taageero weyn kooxda, xiddigaha aan isku kooxda nahay iyo waliba guud ahaan kooxda”.
“Waxa muhiim ii ah in aan sii joogo chelsea, anigu waxa aan ku dareemayaa raaxo halkan waxana aan doonayaa in aan wax cusub kula guulaysto iyo koobab cusub, waxa aan doonayaa in aan caawiyo kooxda goolal dhaliyo, waxa aan ku celinayaan waan ku faraxsanahay halkan”.
Pedro ayaa ilaa haatan 131 kulan u ciyaaray chelsea waxana uu u dhaliyay kooxda 28 gool halka uu sidoo kale xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 7 gool caawiyena ka noqday shan kale.
