Alex Iwobi Oo hishiis cusub u saxiixay kooxdiisa Arsenal.

ST ALBANS, ENGLAND – AUGUST 03: Alex Iwobi signs a contract extension at Arsenal at London Colney on August 3, 2018 in St Albans, England. (Photo by Stuart MacFarlane/Arsenal FC via Getty Images)

Kooxda Arsenal ayaa hishiis cusub ka saxiixay da`yarkeeda Alex Iwobi , waxa ayna tani daaqadda ka saartay warar sheegayay in laga yaabo in laacibka ka huleelo kooxdaas.

Hishiiskaas cusub ayaa gaaraya muddo 4 sanno ah waxa uuna kooxdaas la sii joogayaa illaa iyo xagaaga 2022-ka.

Macalinka cusub ee kooxda Arsenal ayaa ka shaqeeyay in laacibkaas hishiis cusub laga saxiixo isaga oo sheegay in uu sanadaha soo socda uu noqon doono halboolaha kooxdaas.

Weraryahankan  ayaa ka tirsanaa akdeemiyadda Arsenal tan iyo markii ay da`diisa aheyd 9-ka sano waxa uuna illaa haatan kooxda 1-aad ka soo muuqday 98 kullan.

Xilli Ozil iyo Granit Xhaka ay kooxda u saxiixeen hishiisyo cuusb sanadkaan hadana mustaqbalka laacibka kale ee Ramsey ayaa weli mugdi ku jira iyadoo uu diiday in uu saxiixo hishiis cusub.

Laacibka reer Wales ayaa ku jira sanadkiisa ugu damabeeyay ee hishiiska uu kula joogo kooxdaas ka dhisan waqooyiga London.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

RASMI: Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Arturo Vidal.

Read Next

Gabriel Jesus oo hishiis waqti dheer ah u saxiixa City.