Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday laba qof oo Daacish lagu eedeeyay.

Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin   oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa Daacish.

“Dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka  mid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

Arsenal Oo Guul soo daahday ka gaartay Chelsea.

Read Next

Khilaafka Xuduudeed ee Jabuuti iyo Ereteriya