Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray Cisbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Cisbitaalka Ciidanka xoogga Dalka,halkaas oo daryeel caafimaad loogu sameeyay Ciidamada dowladda ee kusoo dhaawacmay dagaalada ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Maamulka Cisbitaalka Xoogga dalka ayuu Ra’iisul Wasaare khayre ka dhageystay Warbixino ku saabsan hannaanka uu u shaqeeyo Cisbitaalka Iyo qalabka ay Adeegsadaan, iyaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimid Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa warbixinta ka dib kormeer ku sameeyay qaybaha uu ka koobanyahey Cisbitaalka Ciidanka Xoogga dalka iyo dhaawacyada Ciidanka la jiifiyay Cisbitaalka Ciidanka, waxa uuna u balan qaaday in ay heli doonaan adeeg caafmaad oo dhamaystiran sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Caafimaad u rajeeyay askarta kusoo dhaawacantay dagaalo ay Al-Shabaab kula galeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka qaarkood.

Xukumada uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in ay Xoogga saarayso Dhib u dhiska Ciidanka Xoogga dalka iyo daryeelkooda Caafmaad.

MM Staff

Read Previous

Al-Shabaab oo ka hadashay Arrinta Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Read Next

Muqdisho waxaa ka furan Xabaal University oo ah jaamacad dadka oo nool lagu aaso.