Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Amiirka Al-Shabaab, Abuu Cubeyda ayaa cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku sheegay in ururkiisu uusan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda maxkamada ICJ ee ah khilaafka badda Soomaaliya iyo Kenya waxa uuna sheegay in Kenya horay u qaadatay Dhul Soomaaliyeed.
“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan.Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado shisheeye” ayuu yiri Amiirka Al shabaab Abu Cubeyda.
Dagaalamayaasha Al shabaab ee Dagaalka kula jira Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay haysato dhul Soomaaliyeed haddana ay dooneyso in ay badda Soomaaliya ku darsato sida uu sheegay Amiirka Al shabaab.
“Waxaa laga rabaa umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”.ayuu sii raaciyay Abu Cubeyda.
Abuu Cubeyda hogaamiyaha Alshabaab ayaa cajalada maqalka ah ee uu soo saaray waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xariirka Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada,maalgashiga dalka,arrimaha doorashooyinka ee Kismaayo iyo Dhuusamareeb.
