Shirka Sanadlaha ah ee Guddiga fulinta SOMA oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirka sanadlaha ah ee guddiga Fulinta SOMA oo ay kaqaygelayaan ergooyin ka  kala socda Muqdisho, KGS, Jubbaland, Puntland, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa maanta kafurmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo 2 maalin ah ayaa looga hadlayaa horumarka iyo caqabadaha shaqada SOMA, horumarinta Barnaamijka Wadaag oo laga baahiyo dhammaan xarumaha kumideysan SOMA, Bedqabka iyo hormarinta xirfadda Suxufiyiinta.

Maxamed Cismaan Makaraan guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed SOMA ayaa kawarbixiyey horumarka ay sameeyeen xarumaha kumideysan SOMA, tababarka shaqaalaha iyo bedqabka  Qalabka xarumaha.

Axmed Maxamed Cali (Caanogeel) madaxa u qareemidda SOMA ahna agaasimaha Idaacadda codka Nabadda ee Gaalkacyo ayaa kahadlay waxqabadka SOMA ee guud ahaan Puntland.

Hillaal Sh. Sheekh Shucayb agaasimaha Idaacadda Warsan ee Baydhaba ayaa kawarbixiyey heerka shaqada saxaafadda ee guud ahaan Dowlad-goboleedka KGS.

Guddiga Fulinta SOMA ayaa welwel badan ka muujiyey shaqada ururada Shaqaalaha Warbaahinta, habka ay u dhismayaan iyo sida ay u sii badanayaan iyada tayadu hooseyso hayeeshee Khilaafku ku sii badanayo.

Guddiga Fulinta SOMA ayaa uga hadlay shirkiisa sanadlaha ah sida aanay ururada shaqaalaha Warbaahinta ee sii badanaya uga turjumeyn tayeynta iyo hagaajinta xirfadda iyo Qalabka Shaqaalaha Saxaafadda.

Sidaas oo kale Shirka ayaa hoosta la xariiqay in kala qaybsanaantu tabarta iyo Nuxurka kaqaadeyso Ururada shaqaalaha Warbaahinta iyada oo ay adkaaneyso in la taageero horumarinta shaqaalaha Warbaahinta marka ay jiraan Ururo badan, kala qaybsan islamarkaana aan si dhab ah uga jawaabi karaan baahida shaqaalaha Warbaahinta.

Guddiga Fulinta SOMA waxa uu ka soo saaray Kulankiisa soo jeedin kusaabsan in  dhammaan madaxda ururada shaqaalaha Warbaahintu ay fahmaan in kalaqaynsanaanta jirta aan lagu gaari karin guulo waaweyn oo ay gaarto Saxaafadda Soomaaliya.

 

Dhammaad

Web master

Read Previous

Shinni ay dil ku xukuntay UK oo baxsatay iyo Turkiga oo magangalyo u ballan qaaday

Read Next

Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxii todobaadkii hore