Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Asmara

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay maanta tagaan Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea.

Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu la kulmayo Madaxweynaha dalkaasi Eritrea iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xoogga lagu saarayo waxaa ka midah Siyaasadda amaanka iyo Ganacsiga.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan oo safarka Madaxweynaha kaga hadlay Boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in uu shirka labada dhinca ka rajeynayo in uu ka soo boxo Geeska Afrika oo leh hal albaab sida uu hadalka u dhigay.

Image may contain: 2 people, people smiling, text

Dhawaan Madaxda Eritrea iyo Itoobiya ayaa tagay dalka Imaaraadka iyada oo uu Imaaraadka galaangalkii uu ku lahaa Soomaaliya iyo Jabuuti u wareejiyay dhinaca dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Arrintaas waxaa ay timid kaddib markii dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ay Dalka Imaaraadka ka cayriyeen dekadaha labada dal,taas oo uu caro ka qaaday dalka Imaaraadka.

Mustaqbal media

Read Previous

Sarkaal ka mid ahaa Booliska Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Read Next

Ra’isalwasaare Kheyre oo ku wajahan Garowe