Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay mixico.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay 30 kale waa dhaawacmeen ka dib markii arbacadii shalay waddada buurta ah ee Gobolka Veracruz ee dalka Mexicana ay isku dheceen labbo bas ka dibna uu dad qabsaday.

Roberto Hernández, oo ah agaasimaha koox u dooda bulshada rayadka ee Magaalada Nogales , ayaa sheegay in mid ka mid ah Basaska uu Waddada ka baxay ka dibna dab qabsaday sidaasna dadku ku dhinteen qaar kala dhaawacmeen.

Wararka dheeraad ah oo soo baxayay ayaa sheegayay in 20 qof ay dhinteen  laakiin agaasimaha difaaca qaranka Mexica Guadalupe Osorno ayaa sheegay hal qof oo kamida dadkii dhaawacmay uu dhintay.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in labada Bas ee uu dabku qabsaday laga lahaa galbeedka dadkaasi oo ah dhul buuralay ah oo loo yaqaano Cumbres de Maltrata.

Bishii Abriil 2006, ayay aheed markii Bas qaaday dad Xujay ah oo Rogmaday ay ku dhinteen dad gaaraya 65 ruux dalka Mexico

MM Staff

Read Previous

Boqortooyada Qatar yaa uga qayb galaya shirka ka furmaya Sucuudiga?.

Read Next

Gudomiyihii Badhan oo iscasalay iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo isku dhiibay Puntland.