Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Wararka ka imanaya degaannada Maamulka Puntland gaar ahaanna Gobolka Bari waxaa ay sheegayaan in meydka mid ka mid ah lix Kalluumeysato ahaa oo shalay la waayay la helay iyada oo inta kale ay wali maqanyihiin.
Ma’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in lixda dhallinyarada ahaa la waayay shalay gelinkii dambe la waayay kaddib markii ay subaxii hore kalluumeysi aadeen.
Doontii ay ku kalluumeysanayeen iyo lixda wiil ayaa la sheegayaa in ay doonta la degtay iyaga oo aan raq iyo ruux lahyna la helay mid ka mid ah wiilashaas.
Guure Cali Cumar oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in Badweynta Hindiya ay kacsan tahay islamarkaana Hirar xoog leh ay ka jiraan.
Waxaa uu intaas ku daray in ay aad u yartahay rajada laga qabo in la helo Kalluumeysatada oo nool,maaddaama waqti badan ay maqanyihiin mid ka mid ahna Badda soo tuftay.
