Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Wararka naga soo gaaraya degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ku leeyihiin degaankaas.
Weerarka ayaa waxaa uu ku billowday Gaari laga buuxiyay walxaha waxaana xigay weerar toos ah kaas oo soo gaaray ilaa 7:00AM ama subaxnimo.
Al-shabaab waxaa ay sheegteen in ay la wareegeen degaankaas islamarkaana tobanaan ka tirsan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ku dileen.
DHinaca kale Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dagaalkaas ay ka hortageen islamarkaana ay iyaga ku suganyihiin saldhigga.
Sarkaal Muqtaar Cabdi Maxamed,waxaa uu ka mid yahay saraakiisha Maamulka Jubaland ee Sanguuni,waxaa uu Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Ciidamdaa dowladda iyo kuwa Jubaland oo iskaashanaya ay ka hortageen weerarkaas.
Majiro ilo ka madaxbanaan labada dhinaca oo wax ka sheegtay khasaaraha ka dhashay weerarka AL-shabaab ay saaka ku qaadeen degaanka Sanguuni.
8June ayey ahayd markii Weerar Hoobiyayaal ahaa oo ay AL-shabaab ku qaadeen saldhigga saaka la weeraray uu ku dhintay Askari Mareykan ah 4 kalena ku dhaawacmeen.
