MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Hordhac
Dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay guddoomiyeyaasha maxkamadaha godoblka Banaadir, derejooyinka 1aad & 2aad, sidaas oo kale waxa uu sidoo kale madaxweyne Farmaajo hore u magacaabay guddooomiyaha maxkamadda sare.
Waxa suuragal ah in isbeddelkaas ku dhacay madaxda garsoorka ee dhammaan maxkamaduhu uu xiriir la leeyahay ballanqaadkii madaxweyne Farmaajo ee wax ka qabashada iyo dib u habaynta hannaanka garsoorka iyo maxkamadaha dalka.
Garyaqaanada cusub ee madaxweynuhu u magacaabay guddoominta maxkamadaha ugu muhiimsan garsoonka dalka waxa ay la wareegeen xilka iyaga oo beddelay garyaqaano guddoominayey maxkamadahaas muddo, haddaba maxaa laga yaqaan guddoomiyeyaasha cusub?, sidee ku yimaadeen garsoorka? Aqoonta iyo waaya-aragnimadoodu maxay dhan tahay? Xafiiska Xeer illaalintuse kaalin intee la eg ayuu ku lahaa in guddoomiyeyaashan qaarkood xilkan qabtaan?
Maqaalkan waxa ku jira xog iyo macluumaad ku saabsan hay’adda garoorka heer federal iyo heer gobol.
Maxkamadda Sare
Dabayaaqadii bishii May-2018; madaxweyne Farmaajo ayaa xilka guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibraahin Iidle Suleymaan.

Baashe; waxa uu ka baxay jaamacadda Hargeysa, kaddibna waxa uu muddo sanad ah waxbarasho u joogay waddanka Ingiriiska, halkaas oo uu ku sameeyey shahaado kale oo la xiriirta qaanuunka Badaha iyo ganacsiga.
Waxa uu noqday agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Somaliland.

2014; ayuu ku laabtay Soomaaliya, waxa uu tegey magaalada Hargeysa, kaddibna waxa uu kamid noqdayguddiga fulinta ee xisbiga Kulmiye, isaga oo markii dambe u wareegay xisbiga Waddani, noqdayna xog-hayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Waxa uu muddo la shaqeeyey kana mid ahaa xisbigaas.

Inkasta oo aanay waaya-aragnimadiisa kamid ahayn qabashada xilka garsoore iyo xil caddaaladeed haddna waxa uu xiriir wadashaqeyneed la lahaa hay’ado iyo ururo ka shaqeeya caawinta iyo tababarka shaqaalaha garsorka.
Sida ay Mustaqbal Radio u sheegeen barayaal jaamacadeed, shaqaale dowladeed iyo shaqsiyaad caadi ah oo ku noo Hargeysa Baashe waa nin dabci ahaan wanaagsan, aad isugu howla in uu waxbarto,dhaqankiisuna wanaagsan yahay.
Caqabadaha ka hor iman kara waxaa kamid ah dhinaca waaya-aragnimada garsoorka Soomaaliya, shaqaalaha uu la shaqeynayo iyo dabciga garsoorka oo u baahan howl iyo dadaal aan kala go’lahayn.
Maxkamada Gobolka
Sida ay Mustaqbal Radio u sheegeen garyaqaano iyo garsoorayaal katirsan laanta garsoorka ee Soomaaliya Muuse Macallin Maxamed; oo madaxweyne Farmaajo u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir waa nin dhallinyaro ah, waxa uu ku dhashay Shabeelaha Dhexe, waxbarashadiisu waxa ay u badnayd xalaqaadka masaajidda, kaddibna jaamacadda Xamar ee magaalada Muqdisho ayuu ka qaatay derejada koowaad ee waxbarashada jaamacadda, waayo-aragnimo badan iyo aqoon dheer oo dhinaca garsoorka ah malaha, balse waxa uu muddo gaaban ka shaqeynayey xafiiska xeer illaalinta qaranka, kaddib markii xilka laga qaaday ku-xigeenkii xeer illaaliyaha qaranka Axmed Cali Abuubakar.
Axmed Cali Abuukar; waxa xilkaas laga qaaday u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii u hayey talada, iyada oo uu xiligaas madaxweynuhu sameeyey derejo aan kamid ahayn hay’adda xeer illaalinta oo lagu magacaabey xeer illaaliye kuxigeenka 1aad, waxa uuna xilkaas u magacaabay Axmed Cali Abuubakar oo xilka laga qaaday kaddib markii uu muran dhinaca sharciga ah ka dhashay xarigga iyo weerarkii guriga hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Muuse Macallin Maxamed ayaa xilka ku xigeenka xeer illaalinta waxa loo magacaabay horraantii 2018, iyada oo talada uu xilkaas ku yimid uu kaalin ku lahaa xafiiska xeer illaalintu, markii uu billowday isbeddelka garsoorka ayaa waxa dhashay welwel ku saabsan in Muuse Macalin Maxamed loo dalacsiin karo xeer illaaliya qaranka, sidaas oo kalana waxa walbahaarkaas sii kordhiyey hadal haynta ololaha xil ka qaadista ee dadka howgabka ah, balse tala-bixinta xeer illaalinta ayaa ka qayb qaadatay in Muuse Macallin Maxamed qabto xilka guuddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.
Waxa kale oo fududeeyey in Muuse noqdo guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir muran iyo khilaaf ka dhextaagnaa xafiiska xeer illaalinta iyo maxkamadda gobolka, murankaas ayaa salka ku hayey fududeynta Waaranka ama warqadda lagu soo xirayo eedeysanayaasha, sabab kale oo khilaafka sii cakirtay ayaa ahayd dannaha dhaqaale ee ay labada xafiisba ka lahaayeen soo qabashada eedeysanayaasha.
Sida kale Muuse waa nin deggan, qunyar socod ah lagana yaabo in uu xilkan ka soo dhalaali karo inkasta oo uu ka aqoon iyo waaya-aragnimo yar yahay guddoomiyihii xilka uga hooreeyey Aweys Sheekh Cabdullaahi.
Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo maxkamadda sare Muuse Macallin Maxamed iyo Baashe yuusuf Axmed waxa ay u baahan yihiin in ay muddo joogaan garsoorka iyaga oo aan wax shaqo ah qaban,

Maxkamadda Racfaanka
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo uu Abshir Cumar Cabdullaahi u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka, Abshir asaaska aqoontiisu waxa ay ku soo billaabatay xalaqaadka masaajidda, waxa uu leeyahay waaya-aragnimo wanaagsan oo dhanka garsoorka ah, waxa uu ku jiray hannaanka garsoorka gobolka Banaadir, waxa uu dhowr degmo oo katirsan Banaadir kasoo noqday guddoomiye maxkamadeed, waxaana ugu dambeeyey degmada Xamarweyne, waxa uu Bachelor ka qaatay jaamacadda Xamar ee magaalada Muqdisho.
Waxa loo badinayaa in uu ka soo bixi karo xilka maxkamadda racfaanka, sida ay muujisay xogta aan helnay ee ku saabsan garsoorka waxa uu Abshir ka waaya-aragsan yahay guddoomiyihii uga horreeyey xilka Saalax Sh. Ibraahin Dhiblaawe.
Dad badan oo ku lug leh garsoorka gobolka Banaadir waxa ay noo sheegeen in wax ka beddelidda maxkamadda racfaanku ahayd tallaabo aad u fiican marka la fiiriyo hufnaanta iyo caddaaladda guddoomiyihii hore ee racfaanka.
Ka ganacsiga Garsoorka
Sida aan ka soo xiganay garsoorayaal, qareeno iyo xogo’aal kala duwan oo aan la kulanay, Dhibaatada ugu weyn ee haysata garsoorka gobolka Banaadir waa ka ganacsiga caddaaladda iyo garsoorka
Maxkamadaha waxaa dhex fadhiya dallaaliin u kala dab qaada garsoorayaasha, xeer illaalinta iyo dhibbanayaasha, kuwaas oo iyaga oo ka socda dhinaca garsooraha la gorgortama cidda meteleysa dhibbanaha iyo xitaa dhibbanaha qudhiisa.
Sababaha sii xoojinaya ka ganacsiga garsoorka waxaa kamid ah mushaarka oo lagayaabo in uu yaryahaya marka la eego hantida badan ee garsoorayaashu ay u heli karaan hab aan sharci ahayn, ayna suuragal tahay in ay hal-mar helaan lacag dhowr goor ka badan mushaarkooda bisha oo dhan, mid kamid ah qareenada ayaa yiri: “
Garsoorayaasha maxkamadaha gobolka, labada derejaba iyo maxkamadda sare mushaarka ay qaataan bishii waxa uu u dhexeeyaa $1,000-$2000 (Kun illaa laba kun oo dollar), waxaana tusaale ahaan dhulka oo kale marka ay gelayaan dacwadaha la xiriira ay heli karaan lacag laaluush ah oo aad uga badan mushaarkooda, waxa maxkamadaha ka caadi ah qareen iyo garsoore ka doodaya qiimaha lacageed ee laga soo qaadayo dacweysanaha iyo dacwoodaha uu qareenku metelayo”
Sabab kale oo weyn oo ka dambeysa mashaakilka garsoorka haysta ayaa ah in gaarsiiyeyaal iyo Kaaliyeyaal garsoore ay isu rogeen garsoorayaal laga billaabo 2004-2008, kaddib markii magaalada Baydhaba looga dhawaaqay in la isku duwayo shaqaalihii garsoorka caasimadda Muqdisho, waxaana arrintu sii calawday intii uu xilka guddoonka maxkamadda sare joogay Caydiid Cabdullaahi ilkaxanaf, oo shaqada garsoorenmiada laga joojiyey isaga oo 81 jir ah.
Ilkaxanaf waxa uu Karaaniyaalka iyo gaarsiiyeyashii ama bootaalayaashii garsoorka u ogolaaday in ay noqdaan garsoorayaal, taasina waxa ay fududeysay dhaqanka ka ganacsiga garsoorka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa eryey dhowr iyo toban qof oo ku shaqeynayey garsoorenimo, balse aan ku imaan shaqada garsoorka nidaam iyo derejo aqooneed, kaddibna waxa uu meelmariyey in garsoore ku yimaado shaqada caddaaladda wax ka hooseeye digreeto madaxweyne inta laga dhisayo guddiga garsoorka, Kaddib eryiddii Ilka Xanaf, waxa ay garsoorayaashu ku yimaadaan shaqada garsoorka oo keli ah wareegto madaxweyne, taas oo yareysay in guddoomiyeyaasha maxkamaduhu soo geliyaan garsoorka hadba qofkii ay doonaan.
Sababta 3aad ee muhiimka ah ee salka u ah dhibaatada garsoorka gobolka Banaadir waa aqoonta iyo waaya-aragnimada shaqaalaha caddaaladda, taasna waxa muujiyey in garsoorayaal badan oo hadda ku jira shaqada garsoorku ay hab ganacsi ah ku heleen shahaadada koowaad ee jaamacadda,
Sida ay noo sheegeen garsoorayaal iyo qareeno kala duwan inta badan garsoorayaasha ka shaqeeya maxkamaduhu waxa ay shahaadada koowaad ee sharciga iyo qaanuunka ka qaateen jaamacadda Xamar oo kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho ee lagu tuhunsan yahay in shahaadadeeda lagu helo hab ganacsi ah.
Howlgebka shaqaalaha Garsoorka
Garsoorayaal badan oo duqoobay ayaa jooga maxkamadda sare, gobolka iyo Racfaanka, qaarkood waxa ay u dhexeeyaan da’aadda 70 – 80; sano, Sababta ugu weyn ee cilladdaasi u jirto waa maqnaanshaha guddiga garsoorka oo shaqada Howlgabka, Anshax marinta, Imtixaanka, Dalacsiinta, xilka qaadista eryidda iyo hoos u dhigidda derejada shaqaalaha garsoorka qabta.
Tusaale ahaan Guddoomihi maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir Saalax ayaa garsoore lagu magacaabo Cabdulqaadir; waxa uu hoos uga dhigay xilkii garsoorenimo isaga oo geeyey maxkamada degmada Cabdicasiis, garsoore kale oo heer degmo ah ayuu geeyey Booskii heer gobol ee Cabdulqaadir; taas oo qayb yar ka ah dhibaatada ka taagan maqnaanshaha guddiga garsoorka oo la’aantaas ay adag tahay in hay’adda garsoorku hagaagto.
Sidaas oo kale waxasameeyey guddomiyeyaal maxkamadeed oo hore, iyaga oo qabanayey shaqadii guddiga adeegga garsoorka, balse waxa ay qabashada shaqadaas ee shaqaalaha garsoorku keentay in garsoorayaashu ka cabsadaan guddoomiyeyaasha maxkamadaha taas oo hoos u dhigtay kalsoonida lagu qabi karo xukunada ay soosaaraan.
Talo soo jeedin
Hagaajintu caddaaladdu waa mid kamid ah sababaha horseedi kara deganaansho iyo nabad gaarta dhammaan ummadda Soomaaliyeed sidaas awgeed ka shaqeynta garsoorku waa howl aad muhiim ugu ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Haddaba talooyinka ugu horreeye ee dib u hagaajinta garsoorka waxaa kamid ah.
- Dhisidda guddiga adeegga garsoorka
- Xaqsiinta howlgabka garsoorka
- Gaarsiinta mushaarka garsoorayaasha mid ku filan oo ka kaafin kara in ay garsoorayaashu xaraashaan caddaaladda si ay u helaan dhaqaale, sababtuna waa in qof baahan uusan gaari Karin xukun iyo garsoor caddaalad ah
- Fududeyntatababar joogto ah oo ay qaataan garsoorayaashu
- Hubinta iyo xaqiijinta nabadgelyada dhammaan shaqaalaha garsoorka,si gaar ah garsoorayaasha.
- In madaxweynuhu hubiyo madaxbannaanida hay’adda garsoorka dalka una sameeyo gabbaad ka illaaliya falaadka iyo halista uga iman karta bannaanka
Raadraaca: Ilo kaladuwan
Mustaqbal Radio
