3,000 Boolis ah oo lagu wareejinayo amniga Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamo cusub oo Boolis ah lagu wareejinayo amniga Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamadaasi oo uu hadda tababar u dhamaaday ay sugi doonaan Amniga Magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee soo socota.

Yariisow ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay yihiin kuwo diyaarsan, Akhlaaq leh oo aan sidoo kale Balwad lahayn.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyaha intaas ku daray in tababarka Ciidankaasi ay bar bar socotay deriseynta oo uuu sheegay in iyana ay qeyb weyn ka qaadaneyso sugidda amniga Caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa 30kii Bishii March waxaa ay ku dhawaaqday howlgallo cusub oo laga fulinayo Magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo amniga waxaana socda baaritaanno habeennada qaar lagu galo guryaha degmooyinka qaar.

Web master

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo Masar uga qeybgelaya shir looga hadlayo Suudaan

Read Next

Puntland oo xukuntay sarkaal musuq lagu eedeeyay