Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar.
Madaxweynaah iyo Wafddigiisa ayaa waxaa ay Magaaladaasi uga qeybgelayaan shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya oo ka tirsan Qaaradda Afrika kuna jira qalalaaso siyaasadeed.
Madaxweynaha Dalka Masar C/Fataax Al Sisi ayaa marti geliyay shirkaasi oo ay ka qeybgalayaan inta badan madaxda Waddamada Afrika,waxaana xal loogu raadinayaa mushkiladaha ka soo cusboonaaday dalalka Liibiya iyo Suudaan.
C/Fataax Al-Sisi waxaa Guddoomiyaha shir madaxeedka sanad laha ah ee Midowga Afrika,waxaana uu hadda ku howllanyahay sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka ka aloosan qaar ka mid ah Dalalka Afrika.
