Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay dileen 3 Kenyaan ah

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay saddex qof oo Kenyaan ah midina Haweeeney tahay ku dileen fagaare ku yaalla duleedka Yaaq Baraawe.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay Arbacadii la soo dhaafay shan qof ku toogteen fagaare ku yaalla degaankaas islamarkaana dadka la toogtay ay ku jireen saddex qof oo Kenyaan ah.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay ka soo jeeddaa Gobolka Xeebta ee Kenya halka labada qof ee kale ay ka soo jeedaan Wajeer sida ay sheegeen Hay’adaha sirdoonka Kenya ee warkan siiyay warbaahinta.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in dilka saddexda qof ee Kenyaanka ah uu yimid kaddib markii Jimcihii todobaadkii hore duqeyn ka dhacday Bu’aale lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab una dhashay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay intaas ku dartay in Ciidanka Kenya ee dhinaca xeebta heegan la geliyay markii Khamiistii ay baxsadeen shan ka mid ah Al-shabaab oo lagu weeraray guri ay ku dhuumanayeen.

Shanta qof ee ka baxsaday Ciidanka Kenya ayaa kala ah;  Salim Rashid Mohammed, Rashid Mwatsu aka Mody, Juma Waziri, Mkauma Ali Mbuiya iyo Juma Mwengo.

 

 

Web master

Read Previous

Guddiga Dastuurka Baarlamaanka oo maanta hortagayo Golaha Shacabka.

Read Next

Al Shabaab executes three Kenyans