Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku leh fadhiga 1-aad ee Kalfadhigooda 5-aad.
Golaha Shacabka waxaa maanta hortagaya Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo horgeynaya Xogta dib u eegista dastuurka.
Waxa ay warbixin guud siinayaan Golaha Shacabka, taas oo ku saabsan mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen shaqadii ay ka qaybto Cutubyadii ugu danbeeyay ee Dastuurka KMG ah ee dalka.
20-kii bishaan Guddiga Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan Guddoonka Golaha Shacabka ayaa la kulmay Xubno ka socday Qaramada Midoobe oo ay kala hadleen dib u eegista Dastuurka iyo in la qabyo tiro.
Waxaana ka horeeyay in Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federalka ay Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta dastuurka u gudbiyeen Cutubyada kala ah 10-aad, 11-aad, 13-aad, 14-aad iyo 15-aad si ay usoo hagaajiyaan, dibna ugu celiyaan Guddiga u dhiibay ee Baarlamaanka.
Fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo Madaxweyne Farmaajo furay 27-kii bishaan waxaa uu Gudoomiyahooda Maxamed Mursal sheegay in ay xoogga saarayaan doorashada la filayo in ay Soomaaliya ka dhacdo 2020 ama 2021-ka, si loo gaaranaya ay diyaar u yihiin qabyo tirka dastuurka oo aas-aas u ah.
Waxaa xigay kulan ay yeesheen Saddexda hay’adood ee u xilsaaran Dib-u-Eegista dastuurka oo dhacay 28-kii bishaan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxa ay isku raaceen in la bilaabo latashiyada 10-ka cutub ee dib-u-eegista lagu sameeyay.
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa iyana 26-kii bishaan Maarso waxa ay soo bandhigtay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee Dalka oo lagu qoray Afka Carabiga.ba
