MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Dhiigyacabka weyn ee Argagixiye Brenton Harrison Tarrant oo ah 28 jir u dhashay Ustureeliya ahna qofka geystay xasuuqii dadka Muslimiinta ah ee ka dhacay 2 masaajid oo kutaal magaalada Christchurch ee waddanka New Zealand illaa hadda laguma eedeyn in uu galay dembi iyo fal argagixiso ah si xukunkiisa loogu saleeyo xeerka argagixisada ee New Zealand (New Zealand’s anti-terror law)
Raisalwasaare Jacinda Ardern iyo Booliisku waxa ay u direen kuna caleemeeyeen Brenton in uu yahay Argagixiye laga billaabo xasuuqii jimce 15-March-2019 uu kageystay laba masaajid oo ay dad Muslimiin ku dukanayeen salaadda jimcah isaga oo muuqaal kaduubay sidii uu dadka u xasuuqayey uguna meyd garaacayey xabbado kadhacayey qoryo boobayaal ah.
Waxyaabaha loo cuskanayo in aan dembiga Brenton noqon mid lagu dhaqo xeerka aragagixisada ee New Zealand ayaa waxa kamid ah sheeko kusaabsan in uusan lahayn sooyaal argagixisinimo ee falka uu geystay yahay midkii koowaad ee dil ah, basle taas waxa beeninaya sida uu ugu raaxeysanayey dilka markii maxkamadda la keenana uu u muujiyey Astaan faraxsanaan iyo in uu ku qanacsan yahay xusuuqa uu geystay.

Brenton Harrison Tarrant waxa uu ahaa tababaraha goob jimicsiga iyo jirdhiska ah oo layiraahdo Big River Squash & Fitness Centre, waxa uu ahaa nin daawada muuqalada iyo filimada rabshada iyo dagaalka muddo dheer, dad ay qaraabo yihiin ayaa u sheegay Washington post in Tarrant ahaa nin aad u neceb dumarka marwalbana jecel in uu kumashquulo Komputerkiisa.
Marie Fitzgerald oo 81 jir ah ahna Ayeeyada Tarrant ayaa tiri: “Warbaahintu waxa ay sheegeysaa in Brenton Harrison Tarrant uu muddo dheer diyaarinayey sidii u falkan u geysan lahaa, balse anigu taas uma maleynayo”
Niyadsamida Raisalwasaare Jacinda Ardern
Inkasta oo ay niyad sami muujisay haddana waxba kama beddeli karto xukuumaddeedu haddii garsoorka degmada Christchurch uu go’aamiyo in kiiska xusuuqa iyo dilka ee uu geystay Brenton aan loo aqoonsan mid aragagixiso, balse xeer illaalinta iyo dacwad oogaha guud ee dowladdu waxa suuragal ah in uu sameeyo wax walba oo hirgelin kara in kiiskan loo aqoonsado fal argagixiso taasina waxa ay horseedi doontaa in falka aragagixiso ee Brenton Harrison Tarrant lagu dhaqo xeerka Xeerka ladagaalanka Argagixisada (Terrorism Suppression Act TSA), iyada oo ay markaasna suuragal tahay in xukunkiisu noqdo xabsi daa’in
WQ: Axmed C. Guutaale
Dersa Sharciga, Qaanuunka & Warbaahinta
