Facebook oo tirtay 1.5Milyan oo muqaalka weerarkii Masaajidda New Zealand ah

Sharikadda Facebook ayaa shaacisay in 24kii saac ee la soo dhaafay ay barteeda ka bixisay 1.5Milyan oo muuqaal oo ah muuqaalkii uu iska duubay ninka Muslmiinta ku laayay Dalka New Zealand.

Qoraal ay Sharikadda baahisay ayey ku sheegtay in sidoo kale 1.2Milyan oo muuqaal oo la doonayay in la soo geliyo ay ka hor istaagtay.

Facebook waxaa ay sheegtay in muuqaalka la baahiyay uu xadgudub ku yahay xeerarka u yaalla sidaas darteedna hawada uga saartay muuqaallo la baahiyay kuwo kalena oo la doonayay in la baahiyana ku hor istaaggtay.

Afhayeenka Facebook ee dalka New Zealand  Mia Garlick, ayaa sheegay in xitaa haddii muuqaalka aysan ku jirin dad xabad lagu dhufanayo aysan baahineyn sidoo kalena oggoleyn in la baahiyo.

Brenton Tarrant , oo ahaa Nin ay caddaannimada la weyntahay ayaa 50 qof ku dilay Jimcihii labo Masaajid oo ku yaalla Dalka New Zealand kaddib markii uu weerar ku qaaday.

Web master

Read Previous

Joint AU-UN team examines the implementation of the Somalia Transition Plan

Read Next

Man United oo isha ku heysa daafaca Barcelona Samuel Umtiti.