2 Muwaadin oo Soomaali ah ayaa kamid ahaa rakaabka kudhintay Diyaaradda Boeing 737

Cabdishakuur Shahaad

Ahun Cabdishakuur Shahaad iyo Siraaji oo ahaa Soomaali ayaa ku kamid noqday dadka kudhintay  rakaabka diyaaradda burburtay ee Boeing 737 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, Dhammaan rakaabka diyaaraddaas oo cidina ka badbaadin ayaa u kala dhashay waddamo kala duwan.

Cabdishakuur Shahaad ayaa ahaa sarkaal dhinaca Maamuuska ah kana tirsaa xafiiska Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kamid ahaa

Siraaji Xuseen Cabdi oo isna Soomaali ah ayaa kamid ah dadka kudhintay shilka diyaaradda Boeing 737

Cabdishakuur Shahaad waxa uu kamid ahaa dhallinyaradii kusoo biirtay xafiiska Raisalwasaaraha Soomaaliya 2 sano kahor markii xilka wasiirka koowaad loo magacaabay Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uu Cabdishkuur todobaadkii hore kujiray safar uu kutegey dhowr waddan oo Yurub ah.

Siraaji Xuseen Cabdi & Cabdishakuur Shahaad  jinsiyaddooda laguma sheegin liiska waddamada ay muwaadiniintoodu ku geeriyoodeen shilkaas diyaaradeed sababtuna waxa ay ahayd in aanay wadan Baasaboorka Soomaaliga

Wixii soo kordha nala soco

General Editor

Read Previous

Liiska Waddamada ay ka soo jeedaan dadkii ku dhintay shilka Ethiopian Airlines

Read Next

Madaxweyne Xaaf oo sheegay in ay dhisayaan ciidanka Galmudug.