Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Miralem Pjanic ayaa ugu dambeyn ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda heysata horyaalka Taliyaaniga ee Juventus.
Pjanic ayaa kaliya labo sanno ku qaatay Turin balse suuqii jilaalka ee janaayo ayuu diirada u saarnaa kooxaha Manchester United iyo Chelsea lkn laacibka reer Bosnia ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa.
28-jirkaan ayaa ugu dambeyntii door biday inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.
Pjanic oo u waramay wargeyska Totosports ayaa yiri: “Waxaa jiray xiiso, iga yimid kooxo dhowr ah lkn xiligaan kuma haboona inaan katago kooxdeyda mana jirto xaqiiqdii wax aan uga tago halkan waa hoygeyga waana sii joogi doonaa ilaa mudo kunama fikiraya inaan badalo go’aankeyga” ayuu yiri Pjanic.
Pjanic ayaa wali muhiim u ah Juventus isagoo 25 kulan u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan
