Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Bulshada soomaaliyeed ay kawada hadlaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan.
Is qancinta ayuu sheegay in ay tahay xalka kaliya looga hortagi karo in dhibaatooyin ay isku geystaan Dadka ama lagu hilmaamo waxyaabihii horay u kala gaaray.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa intaa raaciyay in wada hadalka uu xal u yahay badbaadinta Naf, Dhaqaale iyo waqti, si aan u dhicin in goob dagaal la isugu tago.
Ku qancinta shacabka arrintaan waxa uu sheegay in ay u adeegsanayaan dad Kaadiriin ah, si looga daadajiyo qorshahaan.
Dhibaatooyinka ayuu tilmaamay wasiir Geelle in laga dhaxlo natiijooyin xun oo aan wanaagsaneen.
Ku dhaqaaqinta qorshahaan waxa uu hordhigay in ay ku imaan karto wada shaqeyn dhexmarta Shacabka, Madaxda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, isla markaana ay wada qaataan hal go’aan oo ay ku mideysan yihiin.
Hadalkaan waxa uu ka jeediyay Wasiir Geelle Shirka heerka sare Deeq-bixiyeyaasha ee Taageeridda Wacyigelinta Qaranka oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.
Waxaana inta uu socday la isku aragti dhaafsaday sida loo sameyn karo wacyigelin guud oo la gaarsiiyo Dalka.
