Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay wasiirrada faraha badan ee ka soo dhex muuqday xukuumaddiisa.
Siciid,waxaa uu sheegay in Wasiirrada badan ee uu soo dhisay uu ka xunyahay maaddaama sida uu sheegay ay arrintaasi sabab u tahay qabiillada faraha badan ee uu midkasta doonayo in uu iska dhex arko.
Waxaa uu intaas ku daray in inkabadan 300 Sooyaal shaqsiyaad doonayay xilka Wasiir,Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle uu gacanta ku dhigay intii uu ku jiray xulista Waisiirrada uuna kala soo baxay 48 qof oo uu sheegay in ay nasiib ku yimaadeen.
Deni, ayaa sheegay in kuwa uu xushay aysan ka aqoon badneyn kuwa uu ka tagay laakiin uu nasiibka halkaas dhigay.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in 20 Sano kaddib dowladnimada Puntland ay ceeb ku tahay in qabiil lagu qeybsado awoodda.
