Wasaaradda Qorsheynta Somaliya oo ka hadashay habka Somaliland uga qeyb geleyso qorshaha Qaranka

C/Qaadir Maxamed Aadan, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda qorsheynta.

Cabdulqaadir Maxamed Aadan;  Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay sida Maamulka Somaliland looga qaybgelinayo qorshaha qaranka ee ay Wasaaraddu waddo.

Waxa uu sheegay  Cabdulqaadir in looga  talogelinayo sida Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare looga siiyay Xubnaha.

Arrimaha Somaliland ayuu tilmaamay in ay u marayaan waxyaabaha ay ugu baahan yihiin Xubnaha ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaradda Qorsheynta ayaa meesha ka saaray in shirka qorsheynta uu leeyahay waji siyaasadeed, balse waxa uu xusay  in uu ka tarjumayo Baahida shacabka.

Qorshaha Horumarinta Dalka ayuu sal ugu dhigay Shirarkooda oo ku saabsan shan tiir oo kala ah: Siyaasada loo dhanyahay, Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulsha deegaanka iyo mareynta kheyraadka dalka.

Isbadalka Wasiirada iyo Xukuumadaha ku yimaado waxa uu sheegay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta in aan saameyn ku yeelan doono, lagana sii wadi karo marba meeshii uu marayay sida uu hadalka u dhigay.

Wajiga 1-aad ee shirka 9-aad ee Qorsheynta Qaranka waxaa shalay diiradda lagu saaray kaalinta Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga  ay leeyihiin ugana qaybqaadan karaan,iyada oo ra’yi ururin lagu sameeyay.

Mustaqbal media

Read Previous

Dowladda Federaalka oo Ciidamo geysay Deegaanada ay ka baxayaan Askarta Burundi

Read Next

Qoyska Maareeyihii Dekadda Boosaaso oo shaaciyay xilliga la aasayo