MW Deni oo Garowe ku qaabilay ilaa 8 Safiir oo ka socda caalamka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe ku qaabilay Safiirada Soomaaliya u fadhiya wadamada Germany,UAE,UK,Qatar,Suudaan,Sweden,Masar iyo Safiirka Midowga Yurub.

Safiirasa kulanka la qaatay Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ku soo dhaweeyay Saradaan oo u jeedkoodu ahaa in ay u hambalyeeyaan Madaxweynaha Cusub kuna bogaadiyaan Puntland doorashii ka dhacaday oo ay ku sheegeen mid Fuhnaan badan ka muuqatay.

Safiirada Garowe gaaray.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka looga gol lahaa wada shaqeyn dhexmarta Puntland iyo beesha caalamka.

Safiirada maanta garowe tagey.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira uu safiirada Dowladaha Caalamka u soo bandhigay qorshihiisa hogaamineed ee beesha Caalamka,isla markaana tusay Safiirada in Puntland ay u jaheysatey hormarinta kaabeyaasheeda dhaqaale.

Madaxweyne oo qaabilay Safiiro ka socda beesha Caalamka.

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan lagu caleemo saaray Magaalada Garowe Xarunta Gobolka Nugaal ayaa wado kulamo uu layeelanayo Safiirada Caalamka iyo hay’addaha ka howlgala Puntland.

Kulanka Garowe ee maanta.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Axmed Madoobe oo shir gudoomiyey shirka Golaha wasiirada Jubbaland.

Read Next

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway ee Soomaaliya.