Dowladda Uganda ayaa saraakiil tababarayaal boolis ah u soo dirtay Soomaaliya,kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalka AMISOM qeybtiisa Booliska.
Taliyaha Booliska Uganda ee AMISOM ku jira Grace Turyagumanawe, ayaa ugu baaqay saraakiisha in ay ku dhaqmaan islamarkaana fuliyaan xeerarka qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee dhinaca nabad ilaalinta sidoo kalena ilaaliyaan anshaxa Ciidanka.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay in ay qaadaan waddadii ay mareen kuwo badan oo iyaga ka horreeyay islamarkana shaqadooda u gutay sidii loogu talagay.
Uganda ayaa billowday in Ciidan ku yeelato Booliska AMISOM sanadkii 2012kii,waxaana sanadkasta ay soo dirdaa Ciidan beddela kuwa uu howlgalkooda sanadlaha ah u dhamaado.
Dalka Ghana ayaa dhawaan u soo diray Soomaaliya 120 Qof oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidan kuwaas oo dhinaca Koofur Galbeed loo daabulayo.
