Guddoomiye Mursal oo ku hanjabay in uu is casilayo haddii aan la siideyn abuu Mansuur

Maxamed Mursal SH. Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa ku hanjabay in uu is casilayo haddii aan la siideyn Sheekh Mukhtaar Roobow.

Maxamed Mursal ayaa ka hadlayay kulan uu magaalaada Baydhaba kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee degaannada Koofur Galbeed.

Mursal ayaa sheegay in isaga iyo C/Casiis Maxamed Lafta Gareen ay xafiiska isaga tagi doonaan haddii dowladda Federaalka ah diiddo siideynta Abuu Mansuuur.

Waxaa uu sheegay in hadda uu socdo hanaanka lagu siideynayo Abuur Mansuur, isaga,Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaarahana ay ka wada hadleen.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka ay ka wada hadleen bixinta magta dadkii ku dhintay rabshadihii Baydhaba.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Magaalada Baydhaba kulamo kula leh odayaasha dhaqanka tan iyo markii uu ka qeybgalay caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed Lafta Gareen.

Mustaqbal media

Read Previous

Somali iyo Syrian ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay degmada Hodan.

Read Next

Kenya oo sheegtay in Hubkii lagu weeraray Dusit Hotel ay lahayd dowladda Somaliya