Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Guddoomiyaha Baralamaanka Maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka mid ah Baarlamaanka Maamulkaas ayaa maanta ku laabtay Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha iyo Wafddiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ku qaabilay Saraakiil ka mid ah maamulka Hirshabeelle oo ku sugan Jowhar waxaana ka mid ahaa;

Guddoomiyaha Maamulka degmada Jowhar Mudane Osman Mohamed Muqtar baarey ,Ku simaha Guddomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi shiiq Xaandow ,xildhibaanno iyo Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Baarlamanka Hirshabeelle , Canab Axmed Ciise .

Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyntiisa ka sheegay in uu dhawaan furmayo kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo muddo fasax ku maqnaa haddana u soo dhawaaday.

Dhawaan waxaa jiray XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Hirshabeelle ayaan inta badan joogin Jowhar,waxaana ay badankood degganyihiin Magaalada Muqdisho,waxaana ay Jowhar tagaan kaliya marka uu jiro mooshin,khilaaf siyaasadeed, iyo isbeddel dhinaca maamulka ah.

Mustaqbal media

Read Previous

‘saddex Sano kaddib weerarkii Ceel Cadde, wali waa dhaawac furan’, Dailynation

Read Next

Ghana oo Ciidan Boolis ah u soo direysa Soomaaliya