Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda lagu dilay halkaas.
Koox dabley ah oo Buskoolado ku hubeysanaa ayaa Askariga ku dilay Waddada gasha Suuqa Khaliifa lagu magaabo ee ku yaalla Bakaaraha.
Goobjoogayaal ku sugan suuqa ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in kaddib markii uu dilka dhacay ay dableyda isaga baxsadeen goobta.
Ciidamo ka tirsan Dowladda oo tagay goobta dilka kaddib ayaa halkaas ka qaaday Meydka Askariga la dilay.
Majirto ilaa hadda cid sheegatay dilka maanta Askariga loogu geystay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
