Sidee loo qoondeeyay Miisanaiyadda D. Federaalka ee 2019?

Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa shalay meel mariyay Miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2019ka kaddib kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Miisaaniyaddan oo uu soo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa qarashka ugu badan waxaa uu ku baxayaa Hay’adaha Adeegga Difaaca iyo Amaanka oo miisaaniyadda ka helay lacag ka badan $110 Milyan oo doollar.

Miisaaniyadda ayaa lagu sheegay in 55.8% ay ka soo xaroon doonto dakhliga gudaha dalka halka 44.2% ay noqoneyso kaalmada Caalamka ee Soomaaliya.

Dhinaca Hay’adaha Adeegga Maamulka, Maxkamadaha,Wasaaradaha, Safaaradaha iyo Guddiyada ayaa loo qoondeeyay lacag dhan $135,204,188 Milyan oo doollar.

Guud ahaan Miisaaniyadda ayaa sidan loo kala qoondeeyay;

1- Xafiiska Madaxtooyada: $5,838,587.

2- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: $5,777,630

3- Xafiiska Golaha Shacabka: $5,338,481.

4- Xubnaha Golaha Shacabka: $14,449,312

5- Xafiiska Aqalka Sare: $4,103,520

5- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka: $3,000,000

6- Maxkamadda Gobalka Banaadir: $1,499,432

Hay’adaha adeegga difaaca iyo amniga, oo ka kooban wasaarado, maxkamado iyo hay’ado amni, waxaa loo gaar-yeelay qoondo dhan $110,767,024, waxaana hay’adahaas kamid ah:

1- Wasaaradda Gaashaandhiga: $ 2,632,780

2- Wasaaradda Amniga Qaranka: $2,007,452

3- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka: $12,505,680

4- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: $62,193,336

5- Maxkamadda Ciidamada: $1,456,000

Mustaqbal media

Read Previous

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Read Next

How 2019 Budget Allocated to the Federal Govt Offices?