Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Kooxaha reer taliyaani ee Inter Milan iyo Lazio ayaa lagu soo waramayaa inay u dagaalamayaan saxiixa daafaca kooxda Manchester United Matteo Darmian.
Darmian ayaa si aad ah loola xiriirinayey inuu ka tagayo United xagaagn walina ma cada mustaqbalka xidigaan.
Tababaraha cusub ee Red Devils ayaa doonaya in uu sii heyso xidigaha la hadal haayo in ay kooxda ka tagi doonaan bisha janaayo.
Sida laga soo xigtay Calciomercato kooxaha Inter iyo Lazio ayaa xiiseynaya saxiixa 29 jirkaan xili kasoo ciyaaray horyaalka Taliyaaniga.
Darmian ayaa United kaga soo biiray Torino sannadkii 2015 waxaana macquul ah in bisha janaayo uu ku laabto horyaalka Taliyaaniga.
