Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Koox hubeysan ayaa waxaa ay Xaafadda Horseed ee Degmada Waabari waxaa ay ku dileen sarkaa ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaay Gaashaanlle dhexe Cabdi Maxamed Culosow (Cabdi Madoobe).
Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday halkii ay ku dileen Sarkaalka,waxaana goobta tagay Ciidanka Saldhigga Degmada Waabari oo u dhow halka lagu dilay,waxaana ay ka qaadeen Meydkiisa.
Sawirro oo Cabdi horay ugu daabacay Facebookiisa ayaa waxaa uu ku soo bandhigay in uu mar u tartamaya Guddoomiyaha Degmada Waabari oo uu degganaa.

Cabdi Madoobe oo laga yaqaanay Xaafadda Horseed ee Degmada Waabari ee Muqdisho ayaa waxaa waardiye ana ilaalo u ahaa labo Askari kuwaas oo aan saaka la joogin markii la dilayay sida ay sheegeen goobjoogayaal.

