Xuutiyiinta Yemen oo ciidankooda kala baxay Xudeyda

Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa sheegay in ay billaabeen in ay ciidankooda kala baxan magaalada Dekadda leh ee Xudeyda iyaga oo fulinaya heshiiskii lagu soo gaaray Sweden.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka heshiiska Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo Patrick Cammaert, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Xuutiyiinta ay ka baxeen meelo badan oo magaalada ka mid ah.

Sida uu heshiiska dhigayo dhinaca Isbahaysiga Sucuudiga ayaa iyaguna laga rabaa in ay ka baxaan qeybta Koofureed ee Magaalada oo ay heystaan walise ma billaabin dib u gurashada.

Heshiiska Sweden ay ku gaareen labada dhinac bishii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa in labada ciidan laga saaro Magaalada Xudeyda oo ah isha kaliya ee gargaar hadda loo marsiin karo dadka Waqooyiga Yemen ku nool.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Gud. Maxkamadda sare oo sheegay in ay xireen dad u dacwooday Al-shabab

Read Next

Baarlamaanka Somaliland oo meel mariyay miisaaniyadda 2019ka