Arsenal oo 18-milyan ku dooneysa laacib ka ciyaara qadka dhexe.

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu la soo wareego ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sevilla Ever Banega bisha Janaayo.

Banega oo Emery labo sanno horay ula soo shaqeeyay waagii Sevilla, ayaa qandaraaska uu kulajoogo kooxda waxaa uu dhacayaa sanadka cusub.

Sida laga soo xigtay The Sun Emery waa taageere weyn u ah  xidiga reer Argentina, tababaraha Arsenal ayaana dareensan in dalab dhan 18 milyan oo ginni ay kuso qadan doonaan laacibkaasi suuqa janaayo.

Banega ayaa 8 gool u dhaliyay 28 kulan oo uu u saftay Sevilla tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2018-19.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Eritrea oo war ka soo saartay ciidanka la sheegay in ay keeneyso Somaliya

Read Next

Matteo Darmian oo ka hadlay mustaqbalkiisa Man United.