RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Kulanka ugu xiisaha badan kulamada cwa ee Champions League-ga ayaa cwa ka dhici doono garoonka PSG ee Parc des Princes waxaana halkaa booqandoonta kooxda Liverpool.
Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 3-2 uga badiyay PSG kulankii ka dhacay Anfield halka ay sidoo kale guuldaro la kulantay kulankii ugu dambeeyay ee champions league.
PSG ayaan waxba dhaamin iyada oo bar-baro gashay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka ay la ciyaartay kooxda Napoli ee tartanka champions League.
Guuldaro soo gaartay 2-da kooxood ayaa keeni karta in kooxda laga badiyo ka harto tartanka champions League iyada oo u dhaadhici doonta tartanka Europa Leageu.
Kulanka: PSG Vs Liverpool
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 11:00 Habeenimo
Garoonka: Parc des Princes
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda Garoonkeeda lagu ciyaarayo ayaa dhamaan wada badisay tartamada oo dhan kulamadii dhex maray PSG Iyo Liverpool xilli kooxda reer France 3-0 ku garaacday Liverpool sanadkii 1996/1997 Semi-finalkii Tartanka Cup Winners’ Cup.
PSG ayaan wax guuldaro ah la kulmin 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wareega Group-yada ku ciyaartay champions League iyaga oo badiyay 15 kulan bar-baro galay 5 kulan iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ay soo gaartay December 2004 markaas oo ay guuldaro kala kulantay CSKA Moscow.
Liverpool ayaa guuldaro la kulmay 2-dii kulan ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartanka champions League xilli ciyaareedkan laakiin waligeed 3 kulan oo xiriir ah guuldaro lamay kulmin.
Liverpool ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen Champions League laakiin marnaba 4 kulan oo xiriir ah guuldaro lamay kulmin taariikhda champions Leageu.
Shaxda suurtagalka ah.
PSG: Buffon, Alves, Marquinhos, Silva, Kehrer, Veratti, Rabiot, Di Maria, Neymar, Mbappe, Cavani.
Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Fabinho, Shaqiri, Mane, Salah, Firmino.
