Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Kooxda Mucaaridka ah ee Syria ee heysta Gobolka Idlib ayaa Gabar afar sano jir ah ku wareejiyay hooyadeed oo u dhalatay Dalka Belgium-ka.
Wadahadallada lagu siideynayay Gabadhan ayaa ka socday dhinaca Turkiga iyo gudaha Gobolka Idlib,waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in gabadhaasi la sii daayo.
Gabadhan ayaa u gacan gashay Mucaaridka Syria kaddib markii ay dileen aabaheed,iyadana xabsiga dhigeen,hooyadeed oo ku sugan Turkiga ayaa dacwad ka gudbisay kooxdan,ugu dambeynna waxaa lagu guuleystay siideynta Yaasmiin.
Fawaz Hilal, oo ah madaxa mucaaridka Syria ee heysta Gobolka Idlib ayaa sheegay in wadahadalka lagu siidaayay Gabadha yar ay qeyb ka qaarteen dowladda Syria, dadka degaanka iyo Jabhadda uu madaxda ka yahay ee Taxriir Al-shaam oo kala bar Gobolka heysata.
