Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Naadiga yare e Eibar ayaa guul muhiima ka gaartay Real Madrid iyagoo kaga adkaaday 3-0. Kulan ka dhacay garoon Eibar.
Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0, oo ay ku hogaamineysay kooxda Eibar waxaana u dhaliyay laacibka Gonzalo Escalante daqiiqadii 16-aad.
Madrid ayaa goolka ka hor laga diiday gool uu dhaliyay Gareth Bale kasoo ahaa Garab dhaaf.
Dib markii loogu soo laabtay qeybta dambe kooxda Guriga ayaa soo bandhigaty cayaar ka duwan tii qeybta hore.
Waxaana dhacday in Real laga dhaliyay laba gool oo deg deg ah shan daqiiqo dugaheed.
Goolka hore ayaa dhashay daqiiqadii 52-aad waxaana u dhaliyay xiddiga Sergi Enrich ka hor inta uu laacibka Kike hogaanka uga dhigin naadigiisa 3-0 daqiiqadii 57-aad.
Real oo u muuqatay mid aan dadaalka ku yaraaen ayaa waxaa dhawr isku dag ka badbaadiyay Goolhayaha Eibar.
Waa guuldaradii shanaad ee soo gaarta Real Madrid xagaagan iyo tii ugu horreysay uu la kulmay maamulahooda cusub ee Santiago Solari.
