Shacabka Cape Varde oo kala dooranaya 6 musharrax oo isku qaab u ololeeyay
Dalka Cape Varde ee dhaca Galbeedka Afrika sidoo kalena ku yaalla Badweynta Atlaantikada waxa uu dadka dalkaas maanta u dareeray Doorasho ay ku kala dooranayaan 6 musharrax oo si isku mid ah ugu ololeeyay wax ka qabashada Tahriibka, Qaxootiga iyo shaqo la’aanta dadkaas dhibaataysay.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in madaxweynaha doonaya in uu markale muddo xileed cusub qaato uu culays siyaasadeed kala kulmayo musharrixiin qaarkood kamid ahaa Xukuumaddiisa kuwaas oo doonaya in Cape Varde ay u horseedaan isbaddel maamul iyo mid siyaasadeed.
Warbixinnada ayaa muujinaya in Dadka Dalkaas oo guud ahaan dhan 2 Milyan in saddex meelood ay ku nool yihiin dibadda maadaama ay ka carareen dhaqaale xumada Dalkooda ka jirta, waxaana gudaha dalkaas ku nool 530,000 oo qof sida lagu muujiyay daraasadaha laga soosaaray xaaladaha dhaqaale ee Waddankaan.
Cape Varde waxa ay kamid tahay Dalalka Afrika ee dadkooda tahriibeen kuwaas oo sababta ugu weyn ee bixitaankooda ku sheegay in ay raadsanayaan nolol ka wanaagsan tan dalkooda, waqtiyada qaar waxa ay la kulmaan xaalado adag oo ka darran tan ay ka carareen balse waxa ay isu moodsiiyaan inay isbaddel galayaan.
Mustaqbal
