Soomaaliya oo sanadkii labaad heshay qoondo Xaj oo dhan 11,500 oo Xaaji
Madaxaweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa halkaasi ka wada kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha Caalamka.
Kulanka sida gaarka ah isha loogu hayay ayaa dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed oo kamid ah madaxda ka qeyb galaya shirka COP31.
Sida uu sheegay Aby Axmed kulankan ayaa diirada lagu saarey arrimaha amniga gaar ahaan iskaashiga labada dowladood ee dagaalka AS iyo wada shaqeynta guud ee labada dhinac.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday xaaladda gobolka Geeska Afrika oo xiisado kala duwan ka taagan yihiin.
Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay bixitaanka Ciidamada AUSSOM oo dalka Uganda shaaciyay inuu gabi ahaanba la baxayo ciidankiisa ugu dambeyn sannadka 2027.
Itoobiya ayaa ciidamadeeda qeyb ka yihiin howlgalka AUSSOM, iyagoo ku kala sugan qeybo kamid ah Koofurta sida Baay, Bakool iyo Gedo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan shirka madaxda caalamka ee COP31, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarrada ka socda gobolka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-hadalka iyo iskaashiga dalalka gobolka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Mustaqbal
